Ma Dooneysa In Aad Noqoto Nin Romantik Ah

Ma dooneeysaa in aad noqoto Nin Roomaantik ama gabar roomaansiyad ah dhanka Jaceylka hadaba raac habkaani….:->> Ka dib dhismaha guriga labada lamaane ayaa waxaa muhiim ah in hab ka duwan qaabkii jaceyl ee uu guurka ku yimid in la sameeyo taasi oo ah Jaceylka Roomaantiga .

Eray ahaan Roomaansi waa mashaacir ama dareemo , waa awoodda in la is fahmo taasi oo sara u sii qadeysa jiritaanka Jaceayalkaaga .

Hadaba ma doneysa in aad noqoto nin Roomaansi ah ama haweeney Roomaansiyad ah oo abuuri karta dareeamaha Jaceaylka?

Hadaba raac tusaalooyinkani

*Ku dheh waan ku jecelahay xitaa hadii ay careysan tahay , Eraygaani waxa uu badalayaa dareemaheeda, waxa ay ka dhigeysa xaalada mida ugu fiican.

*Si naxariis ay ku jirto timaha wajiga ka saarma marka ey kula hadleyso si tartiib ah uga qaad.

*Farahaaga uga tir ilinta indhaheeda ka timaada haddii ay wax ku dhacaan sidaa daraadeedna ay u ilameyneyso.

*Haddii ay dhacdo in jiifka ay kaaga hormarto oo ay gasho qolka jiifka, ha ku deg-degin durba yara sug, si tartiib ah u gal , haka kicin si naxariis ah ugu dabool go`a ama bustaha isla markana si naxariis leh u dhunko.

*Haddii saaxibadaada aadan la aqal galin oo Jaceylka bartanka kaga jirtaan, marka ay seexato u qor fariin Jaceyl ah si marka ay soo toosto ay u aqriso .

*Haddii ay dhacdo in aad ka soo hor kacdo subixii ha sugin oo fadlan quraac yar oo macaan u kari, deedna miiska fadhiga ugu diyaari.

*Marka ay cuntada kuu keento u mahad celi kuna dheh “waad cuno macdahay” iwm, adiga oo sii dhunakanaya gacanteeda.

*Marnaba haka caajisin in aad caawiso oo aad u yara foorarsato marka ay xeraneyso kabaha oo xariga kabaha u toosi, adigoo indho dabaacsan kor ugu soo eegaya.

*Marka aad wada daawaaneysaan Tv-ga ama Filim oo aad aragto in uu si wacan ugu socdo , si tartiib ah u istaag isla markaana galaas biyo qaboow u keen oo kaga nixi.

*Marka aad shaqada ku maqan tahay mar ama laba mar la soo hadal kuna dheh waan kuu xiisay qaali.

*Haddii ay dhacdo in gaarigiina qof sedexaad uu idinla raaco iyana ay fariisato qeybta dambe si naxariis leh indhaha kaga xad muraayada gaariga una iljibi adiga oo indho Jaceayl muujianaya .

*Habeenada ay daalan tahy si naxariis leh u istaag oo jirka kariim ka mari adiga oo erayo dabacsan kula hadalaya oo xabeeb ay ku ajirto .

*Dhunko gacmaheeda una muuji in ay tahay nimco uu Allaah ku siiyay.

*Si tartiib ah ku dheh wan ku jeclahay adiga oo dhagteeda u dhawaanaya isla markaana fiiro dabacsan ku eeg .

*Hadiyad ay ku jirto waraaq erayo macaan oo Jaceylka aad u qabto muujinaya aad ku soo dhex riday una geey .

*Si dabacsan uga dhunko wajiga iyo dhabanka ka dib jirka qeybihiisa kale .

*Ugu yeer erayo macaan , iyo magacyo cusub oo aan aheyn keedii hore sida Xabiinteyda , qaali, xayaatal qalbi.

*Ula baxa booqasho baashaal isla maarkaana indhaha uun kala hadal in muddo ah dhoola cadeaynna sii raaci , gacmaheda qabo inta aad sheekada u hayso.

*Marka aad asxaab kale la joogtaan si gooni ula bax xaaskaaga si hoosana ugu sheeg adiga oo dhagta afka u saaraya kuna dheh in ay tahay qofka ugu qurxoon waxa meesha jooga.

*Marka aad suuqa kawada adeeganeysaan istaaag adiga oo dhoola cadaeyna kuna dheh (in badan ayaan ku faraxsanahaya in aad tahay xaaskeyga).

*Sawirkiina aqal galka meel wacan ka sur giriga oo ay ka arki karto waayo waxa uu siinaya daremo adag oo ku adaan munaasabadii guurkiinii.

*Inkastoo xitaa sanado badan ay ka soo wareegatay guurkiina marnaba ha ugu yeerin xaaskeyga.

*Haddii ay awooda ku siiso isbucii hal habeen ka soo wada casheeya baararka waa weyn iyadoo markaasi idin shidan yahay shumac .
jaceyl

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: