Soo Dir Qoraal Hadii Ay Jiraan Arimo Jaceyl Oo Lagaala Talinayo

October 28, 2009

Couple in living room using laptop smilingMa Dooneysa In Laagala Taliyo Arimo Ku Murjiyay Oo Ku Aadan Jaceylka Iyo Nolosha Guud soo dir Email waan kaag soo jawaabi

aadanjaceelow@hotmail.com somali-girl

Waa Maxay Jaceyl?Aabaha Jaceylka Qarniga Aadan jaceelow Ayaa Ka Jawaabaya

October 28, 2009

Doodi kama taagna in dunida aynu ku nool nahay in ay Jaceyl ku dhisan tahay , mana jiraan laba qof oo isku haysta in waxa la yiraahdo Jaceylka uu yahay mid jira laakiin qof waliba macna gaar ah ayuu u yeelaa gaar ahaan qof uu cudurkaasi ku dhaco .

Waxaana adag in si dhab ah loo micneeyo Jaceylka ama la ogaado macnaha dhabta ah ee saxda ah ee uu leeyahay inkastoo qoraayaal badan ay isku micno u soo dhaweeyeen .

Haddii aad qof weydiiso waxaa maxay Jaceylka waa adag tahay in uu ka jawaabo weyna adag tahay in xiligaasi aad jawaabta hesho .

Laakiinse jawaabta dhabta waxa ay noqoneysa in Jaceylka uu yahay magacyada kuwo la sameeyo kan ugu mac , waxaan kaloo u dhigi karnaa sidaan:

Jaceylka waa Koob ay ka buuxdo Hawo qof walba oo wadna sahqeynayana leh uu doonayo in uu Cabbo ,waana sida qaboow iyo kuleel sida uu kuu so maro , waa uuna ka dheereeya Ileyska dhab ahaan , waana asaaska wax walba oo qeyr ah oo Fiican .

 

 

Jaceylka waa sida Doon Bilaa shiraac ah oo badda mowjadaheeda si amaan ah ku mareysa marna waa gilgilaha Dunida oo buuraha Fulkaano ka qarxiya .

Jaceylka waa Cudur , Guurkana waa Caafimaad , Cudur iyo Caafimaadna meel ma wada kulmaan .

Jaceylka dhabta waa sida Catar ama Barfuun oo raadkiisa ama caraftiisa iska taagan tahay oo aan baaba`eyn waligiisa.

Jaceylka waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana Jaceylka waa hanasho waa jamasho waa hiloow.

Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka kaasi oo qofka qof kale u soo jeeda si ay u garaan wada noolaasho .

Ma ah Jaceylka in aad ku tiraah qofka wana ku jeclahaya balse waa in uu lahaada ficil oo la qaadaa talaabooyin si ugu dambeeyntii loo gaaro dhadhaminta macaanka nolosha lagu askumay Jaceylka dhabta ah .

Qofka wax jeclna waxa uu sameeyaa inta karaankiisa sidii uu soo jeedin lahaa nafta kale isaga oo ku saleeynaya dareemo ah in ay wada yihiin hal naf , hal caqli , hal gacan , hal jir iyo hal urur .

Macnaha Jaceylka ma ah mid lagu soo koobi karo maqaal ama laba maqaal laakiinse waan filiyaa in nuxur badan ama macno badan aad kala bixi doonin .

Calaamadaha Jaceylka:

Inkastoo qof waliba oo uu soo maray Jaceyl dhab uu u leeyahay calaamado gaar ah hadana inta badan waxa la isku raacay calamadahaan Dhidid fara badan, farxada la`aan , Fikir xad dhaaf ah , dhibsiga hadalada dad kale , in si weyn ugu oomanaato in lagaaga sheekeeyo qofka aad jeceshahay(gabar ama Wiil) iyo in aad aragto muuqiisa , cunnada oo ka xeranta , iyo waliba aqrinta sheekooyinka la xariira Jaceylka .

Wax Yaabaha Jaceylka Sara U Qaada: daacadnimo . adkeeynta balanta, ihtimaam siin ama daryeel, Runta , kalsooni .
Wax Yaabaha Jaceylka Bur Buriya:Qiyaanada waa mid ugu horeeysa ee ugu weyn in uu bur buro Jaceylka , Beenta iyana waa qeyb ka mid ah sababaha keena fashilka Jaceylka, Balan la`aan , in aadan daneyn qofka Jaceylka kaala dhaxeeyo , iyadoo Mowjadaha Jaceylka aad qof kula jirto in aan meel kale isku dayin in aad gasho taasi micnaheedu wa Damac qof kele.

Haddii aan Xaraf xafar ukala qaadno Jaceylka Soomaali ahaan waxa aynu u dhigi karnaa J(Jahwareer) A(Amakaag) C(Calaalncal)A(Ahmiyad) Y(Yaab) L(Luul) dhanka Carabta erayga (EiKC ) waxa ay u dhiagaan sida EiKEI waxa ay u taagan tahay Wareer halka EiCEI-na un taagan taagan tahay Cudur .

Erayga Jaceylka Ciyaar ma in aad ku dhawaaqdo waxaase asxaabta maqaalkaan fursad u hesha in ay aqristaan ku boorinayaa iyadoo aan Jaceyl hayn in qof kale ku yiraahdaan waan ku jeclahay iyadoo suura gal ah in qofka aad ku leedahay waan ku jeclahay uu dhab u qato ugu dambeeyntii cidlo uga tagto .

Aadan Jaceelow Oo ah mulkiilaha webkaani kala xariir

aadanjaceelow@hotmail.comuuu

Ogeysiis Ogeysiis

October 28, 2009

adanMaamulaha bogga waxa uu ogeysiinayaa dhamaan dadka ilaa hataan soo booqday bogga in weli shaqo marin ah ku socoto oo dhanka barnaamijyada ah .

Dhamaan aqristaaysha bogga waxa lo balan qaadayaa hadduu alla idmo in ay ka heli doonaan moowduucyo ay ka heli doonaan oo la xariira jaceylka .

 

Hadaba hadad hayso arimo la xariira jaceylka soo dira ama aad dooneyso in lagaala taliyo dhanka jaceylka

 

Kala xariir maamulka bogga .

aadanjaceelow@hotmail.com

 

Ma Dooneysa In Aad Noqoto Nin Romantik Ah

October 25, 2009

Ma dooneeysaa in aad noqoto Nin Roomaantik ama gabar roomaansiyad ah dhanka Jaceylka hadaba raac habkaani….:->> Ka dib dhismaha guriga labada lamaane ayaa waxaa muhiim ah in hab ka duwan qaabkii jaceyl ee uu guurka ku yimid in la sameeyo taasi oo ah Jaceylka Roomaantiga .

Eray ahaan Roomaansi waa mashaacir ama dareemo , waa awoodda in la is fahmo taasi oo sara u sii qadeysa jiritaanka Jaceayalkaaga .

Hadaba ma doneysa in aad noqoto nin Roomaansi ah ama haweeney Roomaansiyad ah oo abuuri karta dareeamaha Jaceaylka?

Hadaba raac tusaalooyinkani

*Ku dheh waan ku jecelahay xitaa hadii ay careysan tahay , Eraygaani waxa uu badalayaa dareemaheeda, waxa ay ka dhigeysa xaalada mida ugu fiican.

*Si naxariis ay ku jirto timaha wajiga ka saarma marka ey kula hadleyso si tartiib ah uga qaad.

*Farahaaga uga tir ilinta indhaheeda ka timaada haddii ay wax ku dhacaan sidaa daraadeedna ay u ilameyneyso.

*Haddii ay dhacdo in jiifka ay kaaga hormarto oo ay gasho qolka jiifka, ha ku deg-degin durba yara sug, si tartiib ah u gal , haka kicin si naxariis ah ugu dabool go`a ama bustaha isla markana si naxariis leh u dhunko.

*Haddii saaxibadaada aadan la aqal galin oo Jaceylka bartanka kaga jirtaan, marka ay seexato u qor fariin Jaceyl ah si marka ay soo toosto ay u aqriso .

*Haddii ay dhacdo in aad ka soo hor kacdo subixii ha sugin oo fadlan quraac yar oo macaan u kari, deedna miiska fadhiga ugu diyaari.

*Marka ay cuntada kuu keento u mahad celi kuna dheh “waad cuno macdahay” iwm, adiga oo sii dhunakanaya gacanteeda.

*Marnaba haka caajisin in aad caawiso oo aad u yara foorarsato marka ay xeraneyso kabaha oo xariga kabaha u toosi, adigoo indho dabaacsan kor ugu soo eegaya.

*Marka aad wada daawaaneysaan Tv-ga ama Filim oo aad aragto in uu si wacan ugu socdo , si tartiib ah u istaag isla markaana galaas biyo qaboow u keen oo kaga nixi.

*Marka aad shaqada ku maqan tahay mar ama laba mar la soo hadal kuna dheh waan kuu xiisay qaali.

*Haddii ay dhacdo in gaarigiina qof sedexaad uu idinla raaco iyana ay fariisato qeybta dambe si naxariis leh indhaha kaga xad muraayada gaariga una iljibi adiga oo indho Jaceayl muujianaya .

*Habeenada ay daalan tahy si naxariis leh u istaag oo jirka kariim ka mari adiga oo erayo dabacsan kula hadalaya oo xabeeb ay ku ajirto .

*Dhunko gacmaheeda una muuji in ay tahay nimco uu Allaah ku siiyay.

*Si tartiib ah ku dheh wan ku jeclahay adiga oo dhagteeda u dhawaanaya isla markaana fiiro dabacsan ku eeg .

*Hadiyad ay ku jirto waraaq erayo macaan oo Jaceylka aad u qabto muujinaya aad ku soo dhex riday una geey .

*Si dabacsan uga dhunko wajiga iyo dhabanka ka dib jirka qeybihiisa kale .

*Ugu yeer erayo macaan , iyo magacyo cusub oo aan aheyn keedii hore sida Xabiinteyda , qaali, xayaatal qalbi.

*Ula baxa booqasho baashaal isla maarkaana indhaha uun kala hadal in muddo ah dhoola cadeaynna sii raaci , gacmaheda qabo inta aad sheekada u hayso.

*Marka aad asxaab kale la joogtaan si gooni ula bax xaaskaaga si hoosana ugu sheeg adiga oo dhagta afka u saaraya kuna dheh in ay tahay qofka ugu qurxoon waxa meesha jooga.

*Marka aad suuqa kawada adeeganeysaan istaaag adiga oo dhoola cadaeyna kuna dheh (in badan ayaan ku faraxsanahaya in aad tahay xaaskeyga).

*Sawirkiina aqal galka meel wacan ka sur giriga oo ay ka arki karto waayo waxa uu siinaya daremo adag oo ku adaan munaasabadii guurkiinii.

*Inkastoo xitaa sanado badan ay ka soo wareegatay guurkiina marnaba ha ugu yeerin xaaskeyga.

*Haddii ay awooda ku siiso isbucii hal habeen ka soo wada casheeya baararka waa weyn iyadoo markaasi idin shidan yahay shumac .
jaceyl

Ruux Gob ah Ayaa Wax lala Wadaagaa

October 24, 2009

Ruuxii Wax Gardaa Goobaa Lala Fariistaa. Ruuxii Gobaa Guul Lala Wadaagaa. Ruuxii Geysiyaa Garab Loo Huraa. Ruuxii Gar Gooyaa Goli Lala Tagaa. Ruuxii Gob Ah Baa Guur Loo Hibeeyaa. Adna Garo Sheekada Kuu Guud Marayaa. Adna Garo Garaadow Hadaad Garasho Leedahay. Hadaad Garatay Sheekada Jawaabteeda ii Keen

Maaxdii Aadan Jaceelowppp

Maxad Ka Taqaan Aabaha Jaceylka Ee Qarnigaan???

October 24, 2009

ggfAadan Cali Sabriye ayaa noqday aabaha Jaceylka ee qarnigaan ka dib markii jaceyl xanuun badan uuu soo maray isla markaan tariiikhda galay , iyadookadib jaceylkasi uu sameeyay geeraaro dhaxa gal ah oo dhalan yarada mucashiqiinta ay si weyn u qaateen

Aadan oo jaceyl xasuus qor ah dhigay ayaa alifay ka dib jaceylkaasi xanuunka badan geeraaro jaceyl oo haatan dhaxal galka dhex noAadan Cali Sabriye ayaa noqday aabaha Jaceylka ee qarnigaan ka dib markii jaceyl xanuun badan uuu soo maray isla markaan tariiikhda galay , iyadookadib jaceylkasi uu sameeyay geeraaro dhaxa gal ah oo dhalan yarada mucashiqiinta ay si weyn u qaateen Aadan oo jaceyl xasuus qor ah dhigay ayaa alifay ka dib jaceylkaasi xanuunka badan geeraaro jaceyl oo haatan dhaxal galka dhex noqoday bulshada dhalan yaro ee Soomaaliyeed kuwaasi oo iminka si weyn ula dhacay geeraradasi . Dabcan aadan oo iminka lagu naaneso Aadan Jaceeloow waa wiil da`yar isla markaan dabeecad furan soo dhaweyn badan isla markaan neceb kala geynta lamanaaha is jecel iyadoo sheekooyin iyo geeraaro uu sameeyay aan idin soo gudbin doono. Nagala Soo Xariir aadanjaceelow@hotmail.com qoday bulshada dhalan yaro ee Soomaaliyeed kuwaasi oo iminka si weyn ula dhacay geeraradasi .

Dabcan aadan oo iminka lagu naaneso Aadan Jaceeloow waa wiil da`yar isla markaan dabeecad furan soo dhaweyn badan isla markaan neceb kala geynta lamanaaha is jecel iyadoo sheekooyin iyo geeraaro uu sameeyay aan idin soo gudbin doono.

 Nagala Soo Xariir

 aadanjaceelow@hotmail.com

Maxaad Ka Taqaan Aabaha Jaceylka Qarniga??

October 24, 2009

Aadan Cali Sabriye ayaa noqday aabaha Jaceylka ee qarnigaan ka dib markii jaceyl xanuun badan uuu soo maray isla markaan tariiikhda galay , iyadookadib jaceylkasi uu sameeyay geeraaro dhaxa gal ah oo dhalan yarada mucashiqiinta ay si weyn u qaateen

Aadan oo jaceyl xasuus qor ah dhigay ayaa alifay ka dib jaceylkaasi xanuunka badan geeraaro jaceyl oo haatan dhaxal galka dhex noqoday bulshada dhalan yaro ee Soomaaliyeed kuwaasi oo iminka si weyn ula dhacay geeraradasi .

Dabcan aadan oo iminka lagu naaneso Aadan Jaceeloow waa wiil da`yar isla markaan dabeecad furan soo dhaweyn badan isla markaan neceb kala geynta lamanaaha is jecel iyadoo sheekooyin iyo geeraaro uu sameeyay aan idin soo gudbin doono.

Nagala Soo Xariir
aadanjaceelow@hotmail.com

Ku Soo Dhawaada Bogga Nolosha Jaceylka Iyo Rajo Soo Celinta

October 24, 2009

Waa bog ka hadla arimaha bulshada , nabada jaceylka iyo is dhex galka dhalanyarada !

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.